Sarkaalad U Shaqaynaysay Dowladda Federaalka oo Muqdisho Lagu Dilay.

Thursday December 03, 2015 - 17:04:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 1 2
  • Share via Social Media

    Sarkaalad U Shaqaynaysay Dowladda Federaalka oo Muqdisho Lagu Dilay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax magaalada Muqdisho lagula beegsaday sarkaalad katirsaneed dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax magaalada Muqdisho lagula beegsaday sarkaalad katirsaneed dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Maanta duhurkii ayuu qarax xooggan ka dhacay agagaarka safaaradda Turkiga ee isgoyska KM4 magaalada Muqdisho,qaraxa ayaa haleelay gaari nuuca raaxada ah oo ay la socotay haweenay la sheegay in ay ka shaqeynaysay warfaafinta DF-ka.

Warar kale ayaa sheegaya in haweenayda ladilay ay aheyd sarkaalad katisarsaneed sirdoonka DF-ka ee la shaqeeya shisheeyaha soomaaliya kusoo duulay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Hindiya Xaaji Maxamuud ay u dhimatay dhaawac kasoo gaaray qarax lala helay gaari ay la socotay,majirin khasaara kale oo ka dhashay qaraxa.


Ma ahan markii ugu horraysay oo magaalada Muqdisho lagu dilo mid kamida shaqaalaha dowladda Federaalka,illaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay haweenaydan la sheegay in ay ka shaqeynaysay Telefeshin ku hadla afka xukuumadda.

Ammaanka gobolka Banaadir ayaa ah mid faraha kasii baxaya waxaana magaalada joogta ka noqday qaraxyada iyo dilalka ka dhanka ah dhammaan dadka la shaqeeya Dowladda Federaalka iyo ciidamada AMISOM waxaana muuqata in shisheeyaha Afrikaanta ee sheegta in ay yihiin Nabad ilaalin ay sugi la'yihiin ammaanka caasimadda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected],com

Related Items