Daawo:Mu'asasada Randa Ee Mareykanka Oo Sheegtay in Al Shabaab Ay Kaalinta 1-aad Uga Jirto Jihaadiyiinta Caalamka.

Monday June 09, 2014 - 03:49:47 in Keydka Sawirada by Super Admin
  • Visits: 2710
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Mu'asasada Randa Ee Mareykanka Oo Sheegtay in Al Shabaab Ay Kaalinta 1-aad Uga Jirto Jihaadiyiinta Caalamka.

    Mu'asasada maraykanka uqaabilsan dejinta shaxda iyo itiraatiijiyadda ee Randa ayaa soo saartay tirakoob ku aadan kororka weerarada ay jamaacaadka jihaadiga ah ku fuliyaan caalamka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mu'asasada maraykanka uqaabilsan dejinta shaxda iyo itiraatiijiyadda ee Randa ayaa soo saartay tirakoob ku aadan kororka weerarada ay jamaacaadka jihaadiga ah ku fuliyaan caalamka. Mu’asasada maraykanka uqaabilsan dejinta shaxda iyo itiraatiijiyadda ee Randa ayaa soo saartay tirakoob ku aadan kororka weerarada ay jamaacaadka jihaadiga ah ku fuliyaan caalamka.

Randa ayaa warbixinteeda ku sheegtay in mujaahidinta caalamka ee ku xiran Ururweynaha alqaacidda ay cududoodu badatay islamarkaana weeraradoodu xoogeysteen.

Tirakoobka howlgalada Randa ay sameysay waxaa kaalimaha hore uga jira xarakada shabaabul Mujaahidiin iyo dowladda islaamiga ee Ciraaq.


Xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa howlgaladii ugu xooganaa fulisay sanadadii 2008,2009,2010,2011 waxayna mu’asasadu sheegtay in weerarada ay qaadday xarakada shabaabul mujaahidiin ay isugu jireen kuwa maxaalli ah iyo kuwa caalami ah oo wadamo soomaaliya ka baxsan laga fuliyay.

Dowladda islaamiga ah ayaa iyana kaalinta 2-aad uga jirta weerarada ugu badan ee jihaadiga ah oo ay fulisay.

Shaxdan cusub ee kasoo baxday mu’asasada Randa mareykanka waxaa lagusoo hadal qaaday jamaacaadka jihaadiga ah ee kala ah Alqaacidada Jazeerada carabta,alqaacidda maqribul islaami,xarakada shabaabul mujaahidiin,dowladda islaamiga ah iyo jabhadda alnusra.

Mu’asasada Randa waxay tirakoobkeeda ku muujinaysaa in khatarta ugu badan ay mareykanka uga imaanayso faracyada alqaacidda ee caalamka xilli mareykanku ay duqeymo ku dileen intabadan hoggaamiyaashii urur weynaha alqaacidda taasi oo muujinaysa in jihaadka uusan wax saameyn ah ku yeelan dilalka hoggaamiyaasha mujaahidiinta.

somalimemo.net
somalimemo.net

Related Items