Dilal iyo Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

Saturday July 12, 2014 - 23:04:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dilal iyo Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

    Magaalada Muqdisho waxaa wali kasii socda dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ka dhanka ah saraakiisha,askarta iyo madaxda dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho waxaa wali kasii socda dilalka qorshaysan iyo qaraxyada ka dhanka ah saraakiisha,askarta iyo madaxda dowladda Federaalka.

Dilal qorshaysan oo maanta ka dhacay degmooyinka gobolka Banaadir waxaa lagu khaarijiyay saraakiil,xoogag hubeysan ayaa maanta duhurkii xaafadda Oodweyne ee degmada Hodon ku dilay askari qorigii ay wateena way ka qaateen.

Sidoo kale qarax khasaara dhaliyay ayaa wadada Jenaraal Daauud lagula eegtay ciidamo boolis ah oo taabacsan dowladda Federaalka dhinaca kale haweenay ayaa lagu toogtay xaafadda Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa.


Dhinaca kale wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay caawa laba askari ku dileen isbaaro maleeshiyaadka DF-ka utaal halka loo yaqaan Mukayga.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items