Daawo:Hoggaamiyaha Jabhadda Al Nusrah oo Qodobadii Kasoo Baxay Shirkii Riyadh Ku Tilmaamay Khiyaano ka dhan ah Jihaadka.

Sunday December 13, 2015 - 16:13:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Hoggaamiyaha Jabhadda Al Nusrah oo Qodobadii Kasoo Baxay Shirkii Riyadh Ku Tilmaamay Khiyaano ka dhan ah Jihaadka.

    Hogaamiyaha Mujaahidiinta Jabhatu Nusrah ayaa Shir Jaraa'id oo uu u qabtay Warbaahinta waxaa markii ugu horreysay uu kusoo hadal qaaday shirkii maalmo ka hor ka dhacay magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga iyo arrimo kale oo dhowr ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha Mujaahidiinta Jabhatu Nusrah ayaa Shir Jaraa'id oo uu u qabtay Warbaahinta waxaa markii ugu horreysay uu kusoo hadal qaaday shirkii maalmo ka hor ka dhacay magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga iyo arrimo kale oo dhowr ah.


Sheykh Abuu Muxamed Al-Jowlaani waxa uu sheegay in Shirkii Riyaad ka dhacay lagu fulinayay ajandayaashii kasoo baxay shirkii horey uga dhacay magaalada Vienna ee dalka Austria, isagoona shirkaas ku tilmaamay inuu khiyaano ku yahay dhiigga Shuhadada, uuna ka dhiganyahay in la isku dhiibo Nidaamka Al-Asad.

Al-Jowlaani waxa uu xusay in hadafka waxa loogu yeero Beesha Caalamka uu yahay sidii ay isugu biirin lahayeen Mucaaradka Suuriya iyo Nidaamka Nuseyriga, iyadoo Bashaar uu sii ahaanayo madaxweyne, kadibna ay si wadajir ah ula dagaallamaan xoogagga kasoo horjeeda.


Sheykh Abuu Muxamed Al-Jowlaani ayaa wax laga weydiiyay halka uu dhaqaalaha kasoo galo Jabhatu Nusrah, wuxuuna yiri : " wuxuu dhaqaalaha naga soo galo Ghanaa’imta, iyo ilo ganacsi, waxaana ka mid nahay kooxaha ugu awoodda badan ee dhulka ku sugan”.

Dhinaca kale Hogaamiyaha Jabhatu Nusrah waxa uu markale genafka ku dhuftay inay u dheg raaricinayaan dalabaatka uga imaanaya dhinacyada kala duwan, kuwaas oo ka dalbanaya inay xiriirka u jaraan Ururweynaha Al-qaacidda, isagoona sheegay inay kusii taagnaan doonaan beycada ay kula jiraan Sheykh Ayman Al-Dawaahiri.

Hoos Ka Daawo Al Jowlaani


Related Items