Faah Faahin:Dagaallo Saacado Qaatay oo ka dhacay Duleedyada Magaalooyinka Waajid iyo Baydhabo.

Sunday July 13, 2014 - 07:00:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Dagaallo Saacado Qaatay oo ka dhacay Duleedyada Magaalooyinka Waajid iyo Baydhabo.

    Ciidamada mujaahidiinta wilaayada islaamiga Bay iyo Bakool ayaa dagaallo culus lagalay ciidamada Xabashida Itoobiya oo ku socdaalayay duleedka degmada Rabdhuurre.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada mujaahidiinta wilaayada islaamiga Bay iyo Bakool ayaa dagaallo culus lagalay ciidamada Xabashida Itoobiya oo ku socdaalayay duleedka degmada Rabdhuurre.

Wararka ka imaanaya Bakool ayaa sheegaya in dagaallo saacado badan qaatay ay shalay gelinkii dambe ka dhaceen dhulka Howdka ah ee u dhaxeeya degmooyinka Waajid iyo Rabdhuurre.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidamada gumeysiga Itoobiya gaari nuuca xamuulka ah looga gubay dagaalka.

Dhinaca kale ciidamada muslimiinta maamulka Islaamiga deegaanka Deydheeloow ayaa weerar ku qaaday maleeshiyaad mooryaan amxaara kalkaal ah oo isku dayay in ay weeraraan deegaankaasi.


Wariye Cali Yare oo ku sugan gobolka Bay ayaa soo sheegay in 6 kamid ah maleeshiyaadka Itoobiya taabacsan lagu dilay dagaalkii shalay,wararkii ugu dmabeeyay ayaa sheegaya in colkii weeraray Seydheelow uu dib ugusoo laabtay Baydhabo waxaana deggan xaaladda goobihii lagu dagaalamay.


Mahad Yare
SomaliMeMo
[email protected]


Related Items