Jabhadda Al Nusrah oo Sheegtay in ay Imaara Islaami ah Ka Dhisi Doonto Suuriya.

Sunday July 13, 2014 - 07:29:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabhadda Al Nusrah oo Sheegtay in ay Imaara Islaami ah Ka Dhisi Doonto Suuriya.

    Hoggaanka Jabhadda Al Nusrah ee ka dagaalama wadanka Suuriya ayaa ku dhawaaqay in ay dhisi doonaan imaara islaami ah oo ka howlgasha dhulka Shaam.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka Jabhadda Al Nusrah ee ka dagaalama wadanka Suuriya ayaa ku dhawaaqay in ay dhisi doonaan imaara islaami ah oo ka howlgasha dhulka Shaam.

Kadib cod si qarsoodi ah loogasoo duubay hoggaamiyaha Jabhadda Sheekh Max’med Jowlaani oo uu ku sheegayay in Jabhaddu ay dhisi doonto Imaara Islaami ah ayay Jabhaddu warkaasi xaqiijisay.

Bayaan kasoo baxay Mujaahidiinta Jabhadda AlNusra oo lagu baahiyay barta rasmiga Jabhadda ee Twitterka ayaa lagu sheegay in hoggaankoodu ay ku dadaalayaan sidii Suuriya sharciga islaamka ugu maamuli lahaayeen.

"Mashruuca loo aas-aasay Jabhadda Alnusrah waxaa safka hore uga jira in xukunka ilaahey dhulka lagu maamulo tadbiiqinta shareecada islaamka”ayuu lagu yiri bayaanka.


AlNusrah waxay ugoodisay kuwa calmaaniyiinta ah ee Suuriya ku sugan kuwaasi oo wada mashaariic ka dhan ah ku dhaqanka shareecada Islaamka.

Ugu dambeyntii Jabhadda Al Nusrah waxay ku adkeysatay in ay sii wadayso dagaalka ay kula jirto dowladda Nuseyriga Suuriya iyo wax ay ugu yeertay Khawaarij ghullaad ah oo ay ula jeedo dowladda Islaamiga ah ee bilihii lasoo dhaafay lawareegtay gobollada Xasakah iyo Deyruzuur ee hodonka ku ah shidaalka.

Mahad Yare
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]



Related Items