Daawo:Xoogaga Muqaawamada Filasdiin oo Sawaariikh Ku Duqeeyay Caasimadda Yahuudda.

Sunday July 13, 2014 - 08:06:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Xoogaga Muqaawamada Filasdiin oo Sawaariikh Ku Duqeeyay Caasimadda Yahuudda.

    Ciidamada Yahuudda Sahyuuniyadda ayaa dhabarjab kala kulmay isku day fulaynimo ah oo ay ku doonayeen in ay dhanka dhulka ku galaan magaalada qaza.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawaariikhda muqaawamada Filasdiin oo Talaabiib ku hoobanaya
Ciidamada Yahuudda Sahyuuniyadda ayaa dhabarjab kala kulmay isku day fulaynimo ah oo ay ku doonayeen in ay dhanka dhulka ku galaan magaalada qaza.

Mujaahidiinta ka dagaalamaya qaza ayaa ku guuleystay in ay iska caabiyaan ciidamada Yahuudda oo si dhuumasho ah dhanka Xeebta qaza ku tegay iyagoo watay doomo.

Taliska ciidanka Yahuudda waxay ku dhawaaqeen in 4 askari looga dhaawacay dagaal ay xeebta qaza kula galeen xoogaga mujaahidiinta filasdiin.

Markii ugu horreysay Katiibada Islaamiga Cizudiin Qasaam ayaa madaafiic ku duqeysay magaalada Talaabiib ee xarunta u ah maamulka Yahuudda.


Afhayeen u hadlay Cizudiin Qasaam ayaa warbaahinta u sheegay in xoogagoodu ay sawaariikhda "Jacbari80” ku garaaceen magaalooyinka Yahuudda.

Gantaallada ka hortaga Gantaallada Isra’iil ayaa ku guul darreystay in ay qabtaan sawaariikhda dhanka qaza lagasoo ridayay,tobaneeyo Yahuud ah ayaa laxaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen sawaariikhda xoogaga wax iska caabintu rideen.

Duullaanka gardarrada ah ee cadawga Sahyuuniga uu ku qaaday magaalada qaza waxaa ku shahiiday inkabadan 150 qof oo ubadan haween iyo Carruur.

Hoos ka Daawo Warbixin uu diyaariyay Telefeshinka Al Jazeera.



Related Items