Al Qaacidada Maqribul Islaam oo Weeraro Cusub Ugu Hanjabtay Faransiiska Boggaadina Ujeedisay Weeraradii ISIS Ee Paris.

Wednesday December 23, 2015 - 14:05:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Qaacidada Maqribul Islaam oo Weeraro Cusub Ugu Hanjabtay Faransiiska Boggaadina Ujeedisay Weeraradii ISIS Ee Paris.

    Hoggaanka imaarada Islaamiga Saxaraha qaaradda Afrika ayaa ku goodiyay in ay qaadi doonaan weeraro hor leh oo ka dhan ah danaha dowladda Faransiiska ee galbeedka qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka imaarada Islaamiga Saxaraha qaaradda Afrika ayaa ku goodiyay in ay qaadi doonaan weeraro hor leh oo ka dhan ah danaha dowladda Faransiiska ee galbeedka qaaradda Afrika.

Kalimad maqal ah oo uu jeediyay Jamaal Cukaashah "Yabye Abul Hamam” amiirka Al Qaaciddada Maqribul Islaam ee mandiqadda Saxaraha Afrika ayuu uga hadlay dagaalka u dhaxeeya muslimiinta iyo dowladda Faransiiska.

Wuxuu sheegay in dowladda Faransiisku ay wajaheyso dagaal dhiigbax dhan walba ah kaasi oo uga imaanaya mujaahidiinta "waxaan idiin ballanqaadnay dagaal ku dhufo ka dhaqaaq ah oo waqti badan qaata kaasi oo dhiig bax nafeed iyo mid maaliyadeed idinkusoo jiiday,idinkuna warbaahintiina ayaad noosoo mariseen goodis ah in dhowr bil aad nagusoo afjaraysaan oo muhiimadda duullaankiina dhammaan doono”ayuu yiri Abul Hamam.


Wuxuu sheegay in sedax sanadood oo kasoo wareegtay duullaankii Faransiiska ee waqooyiga,Koonfurta iyo bartamaha Maali ay mujaahidiintu ku guuleysteen in cadawga dhabarka ka jabiyaan inkastoo warbaahintu qarinaysay guulaha mujaahidiinta ee dagaalkaasi.

Imaarada Islaamiga Saxaraha Afrika waxay tusaale usoo qaadatay in weerarada Mujaahidiinta ee ka dhanka ah Faransiiska ay gilgileen caasimadda Bomako iyo magaalooyin kale sida Ghawah iyo Tambokto.

Abul Hamam wuxuu boggaadiyay weerarkii mujaahidiinta dowladda Islaamiga ah ka fuliyeen magaalada Paris ee caasimadda faransiiska,”weerarada walaalaheena waxay gaareen Yurub iyo caasimaddiina Paris iyadoo ay arkayaan oo ay maqlayaan madaxdiina iyo wasiiradiina” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Hoggaamiyaha imaarada Islaamiga saxaraha Afrika.

Imaarada Islaamiga Saxaraha Afrika ayaa bil ka hor weerar khasaara badan dhaliyay ka fulisay Hoteel kuyaal magaalada Bomako oo ay ku sugnaayeen dad reer galbeedka.

Kumanaan katirsan ciidamada Faransiiska ayaa daba yaaqadii sanaddii 2012 duullaan saliibi ah ku qaaday dalka Maali iyagoona riday maamulkii islaamiga ahaa oo ay dhistay jamaacada jihaadiga Ansaaru-diin.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items