Sarkaal Katirsan Maamulka Sh/Dhexe oo Bartamaha Magaalada Jowhar Lagu Qarxiyay.

Sunday July 13, 2014 - 15:06:44 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsan Maamulka Sh/Dhexe oo Bartamaha Magaalada Jowhar Lagu Qarxiyay.

    Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay uu maanta ka dhacay bartamaha magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay uu maanta ka dhacay bartamaha magaaladaasi.

Maanta barqadii ayaa qarax lala helay gaari uu lasocday Daahir Kaati oo kamid ah saraakiisha ciidanka maamulka shabeelaha dhexe ugu magacaaban Dowladda Federaalka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in markii qaraxu dhacay kadib ay magaalada howlgallo baaritaanno ah ka fuliyeen ciidamo taabacsan Cabdi Jiinoow oo ku magacaaban guddoomiyaha shabeelaha dhexe.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhaawac halis ah uu gaaray sarkaalka labeegsaday waxaana loola cararay isbitaal ay leeyihiin ciidamada Afrikaanta AMISOM.


Waa weerarkii sedaxaad ee shabeelaha dhexe ka dhaca tan iyo markii ay bilatay bisha barakaysan ee Ramadaan.


Mahad Yare

SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items