Ciidanka Kenya oo duqeeyay Deegaanno Gedo Katirsan iyo Dagaal Ka Dhacay Duleedka Beled Xaawo.

Sunday July 13, 2014 - 15:26:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Kenya oo duqeeyay Deegaanno Gedo Katirsan iyo Dagaal Ka Dhacay Duleedka Beled Xaawo.

    Ciidamada gumeysiga Kenya ayaa duqeymo ka geystay deegaanno katirsan gobolka Gedo Koonfur galbeed Soomaaliya waxaana jira khasaara ka dhashay duqeymahaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada gumeysiga Kenya ayaa duqeymo ka geystay deegaanno katirsan gobolka Gedo Koonfur galbeed Soomaaliya waxaana jira khasaara ka dhashay duqeymahaasi.

Wararka ka imaanaya deegaanka Cadale ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay maanta duhurkii duqeymo culus ugeysteen deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Miigaga Kenya ay dhowr madfac ladhaceen suuqa degmada waxaana gubtay guryo shacab leeyahay.

Sidoo duqeyn culus ayaa ku dhacday tuulada Faxfaxdhuun oo qeyb ay ka deganyihiin ciidamada gumeysiga Kenya,deegaanadan ay duqeeyeen diyaaradaha Kenya waxaa gacanta ku haya isla ciidamada gumeysiga Kenya waxaana lays waydiinayaa sababta ay ugumaadayaan shacab ay horay uheysteen.


Dhinaca kale dagaallo culus ayaa duleedka degmada Beled Xaawo ku dhaxmaray ciidamada mujaahidiinta wilaayada islaamiga Gedo iyo Maleeshiyaad amxaara kalkaal ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalka oo muddo saacada ah socday uu dhaliyay khasaara labada dhinac soo gaaray,maleeshiyaad dhanka Beled Xaawo kasoo weerar tegay ayaa la sheegay in dib loogu celiyay halkii ay kasoo dhaqaaqeen sida uu soo sheegay wariye Gedo ku sugan.


Liibaan Jeexow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items