Dhageyso:Ku Xigeenkii Saddam Xuseen oo Shacabka Ciraaq Ugu Hambalyeeyay Guulaha ay ka Gaareen Shiicada.

Sunday July 13, 2014 - 17:06:33 in Wararka by
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 10
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Ku Xigeenkii Saddam Xuseen oo Shacabka Ciraaq Ugu Hambalyeeyay Guulaha ay ka Gaareen Shiicada.

    Madaxweyne ku xigeenkii hore ee wadanka Ciraaq Cizad Ibraahim Al-Duri ayaa markii ugu horraysay ka hadlay guulaha waaweyn ee muslimiinta Suniga Ciraaq ka gaareen dagaallada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee wadanka Ciraaq Cizad Ibraahim Al-Duri ayaa markii ugu horraysay ka hadlay guulaha waaweyn ee muslimiinta Suniga Ciraaq ka gaareen dagaallada.

Kalimad Maqal ah oo uu jeediyay Cizad Ibraahim ayuu ugu hambalyeeyay dowladda Islaamiga ah xoraynta ay xoraysay dhul ballaaran oo Ciraaq katirsan sida Muusil iyo Tikriit.

"Maalmihii Xoreynta Naynawa iyo Salaaxudiin waa maalmo weyn oo carabta iyo muslimiinta usoo galay”ayuu yiri Cizad Ibraahim El-Duri.

Dowladda Islaamiga ah ayuu ku ammaanay cafiska ay ufidisay dadka muslimiinta sunniga ah ee la shaqeynayay nidaamka Nuuri Al Maaliki ee sii burburaya.


Wuxuu sheegay in kalabar dalka Ciraaq uu ka xoroobay "gacanta shiicada iiraan ee xaaqidiina ah islamarkaana waqti aan dheerayn ay baqdaad gacanta muslimiinta ahlusunnaha geli doonto”.

Dhammaan muslimiinta Suniga Ciraaq ayuu ugu baaqay in ay u midoobaan ladagaalanka shiicada safawiyiinta ah.

Cizad Ibraahiim ayaa ahaa ku xigeenkii Sadaam Xuseen oo sanaddii 2003 ay rideen ciidankii Mareykanka ee Ciraaq qabsaday illaa iyo hadda lama oga halka uu ku suganyahay wuxuuna wali sheegtaa in uu madax u yahay Xizbiga Baqcthiga ishtiraakiga oo aad ay ukala fogyihiin mujaahidiinta.



Related Items