Sarkaal Katirsanaa Wasaaradda Maaliyadda DF-ka iyo Askari Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Sunday July 13, 2014 - 19:47:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsanaa Wasaaradda Maaliyadda DF-ka iyo Askari Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

    Degmooyinka gobolka Banaadir waxaa wali kasii socda dilalka ka dhanka ah saraakiisha dowladda Federaalka xilli xarakada Al Shabaab ay ku hanjabtay xoojinta howlgalladeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Degmooyinka gobolka Banaadir waxaa wali kasii socda dilalka ka dhanka ah saraakiisha dowladda Federaalka xilli xarakada Al Shabaab ay ku hanjabtay xoojinta howlgalladeeda.

Xoogag hubeysan ayaa maanta barqadii degmada Dharkeynleey ku toogtay sarkaal katirsanaa wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka.

Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Max’med Deeq ayaa lagu toogtay xaafadda Nasteexo,goob joogayaal ayaa sheegay in xoogag bastoolado ku hubeysan ay dilka geysteen kadibna ay si nabad gelyo ah goobta isaga baxsadeen.

Dhinaca kale askari katirsan ciidamada booliska ayaa lagu toogtay bartamaha Suuqa Bakaaraha gaar ahaan halka loo yaqaan suuqa Cabdalla Shideeye.


Ma ahan markii ugu horreysay oo Muqdisho lagu dilo saraakiil DF-ka katirsan inkabadan 50 askar iyo saraakiil ah ayaa bishan gudaheeda Muqdisho lagu dilay.


Mahad Yare
SomaliMeMo
Muqdisho
[email protected],com


Related Items