Ciidamo Katirsan Dowladda Federaalka oo Muqdisho iyo Beled Weyne Lagu Dilay.

Monday July 14, 2014 - 09:31:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Katirsan Dowladda Federaalka oo Muqdisho iyo Beled Weyne Lagu Dilay.

    Weeraro dilal ah ayaa markale ka dhacay xaafado katirsan degmooyinka magaalada Muqdisho waqti ciidamada xarakada Al Shabaab ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah shisheeyaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weeraro dilal ah ayaa markale ka dhacay xaafado katirsan degmooyinka magaalada Muqdisho waqti ciidamada xarakada Al Shabaab ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah shisheeyaha.
Xoogag hubeysan ayaa xalay fiidkii xaafadda Seybiyaano ku dilay askari katirsan ciidanka Melleteriga dowladda Federaalka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in xoogagii weerarka geystay ay isaga baxsadeen goobta mana jirin wax dabagal ah oo ay ku sameeyeen ciidanka kale oo dowladda katirsan kuwaasi oo xiligii dilku dhacayay ku sugnaa meel aan ka fogeyn goobta dilka.

Dhinaca kale rag hubeysan ayaa bariga magaalada Beled Weyne ku dilay askari katirsanaa DF-ka islamarkaana la shaqeynayay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka Jabuuti.


Mahad Yare
SomaliMeMo
Muqdisho

[email protected]


Related Items