Booliska Tanzania oo Xiray Sheekh Abu Ismaaciil iyo Muslimiinta oo Kacdoomaya.

Monday July 14, 2014 - 10:18:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliska Tanzania oo Xiray Sheekh Abu Ismaaciil iyo Muslimiinta oo Kacdoomaya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Tanzania ayaa sheegaya in ciidamada booliska gaar ahaan kuwa Ashahaadda ladirirka wadankaasi ay gacanta ku dhigeen Sheekh caan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska ayaa xabsiga dhigay wadaadka salafiga ah ee Sh.Abu Ismacil
Wararka ka imaanaya wadanka Tanzania ayaa sheegaya in ciidamada booliska gaar ahaan kuwa Ashahaadda ladirirka wadankaasi ay gacanta ku dhigeen Sheekh caan ah.

Boqolaal katirsan ciidamada booliska ee sida gaarka ah u tababaran ayaa xilli habeen saqdhexe ah xoog ku galay guriga Sheekh Abuu ismaaciil Ibraahim oo kamid ah culimada salafiyiinta Tanznia.

Shabakadda SomaliMeMo qeybta Afka Sawaaxiliga ku hadasha ayaa baahisay warbixin faah faahsan oo ku saabsan qaabka loo xiray Sheekh Abuu Ismaaciil Ibraahim.


"Booliska Tanzania waxay ku xadgudbeen Sheekh Abuu Ismaaciil iyagoo burburiyay madaraso diini ah oo sheekhu carruurta iyo dadka waaweyn wax ku barijiray waxaa kale oo ay qaab fool xun ula dhaqmeen haweenayda udhaxda sheekhaā€¯ayaa lagu yiri warbixinta lagu daabacay SomaliMeMo qeybta Sawaaxiliga ku hadasha.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in boolisku ay burburiyeen madarasada diiniga Jiifay oo kamid ah madaarista ugu caansan Tanzania oo Muslimiintu leeyihiin.

Dhalinyarada Muslimiinta Tanzania ayaa lafilayaa in ay dhigaan rabshado ka dhan ah dowladda oo ay uga ashtakoonayaan xariga iyo jirdilka lagula kacay wadaadka salafiga ah ee Sheekh Abuu Ismaaciil.


Mahad Yare
SomaliMeMo
[email protected]


Related Items