Taliye Sare oo Dowladda Federaalka Looga Dilay Muqdisho iyo Al Shabaab oo Sheegatay.

Monday July 14, 2014 - 11:47:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Sare oo Dowladda Federaalka Looga Dilay Muqdisho iyo Al Shabaab oo Sheegatay.

    Ciidamada sida gaarka ah utababaran ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa magaalada Muqdisho ku dilay saraakiil sarsare oo dowlada Federaalka katiran.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada sida gaarka ah utababaran ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa magaalada Muqdisho ku dilay saraakiil sarsare oo dowlada Federaalka katiran.

Weerar ka dhacay buundda 2-aad ee degmada Xamar Jajab ayaa lagu beegsaday gaari nuuca raaxada ah oo ay lasocdeen saraakiil sarsare oo DF-ka katirsan.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in weerarka hubeysan lagu dilay taliye ku xigeenkii ka hortagga waxa loogu yeero Argagaxisada oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Axmed Faarax.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in saraakiil kale oo dhaawacyo halis ah kasoo gaareen weerarka ay dadka deegaanka waydiisteen caawimaad iyagoo sheeganaya saxafiyiin.


Idaacadaha Muqdisho ayaa baahiyay war ay ku sheegeen saxafiyiin lagu laayay Muqdisho balse saacado kadib ayay dib usaxeen warka iyagoo xaqiijiyay in waxa ladilay ay ahaayeen saraakiil Argagaxisada ladirirka Dowladda Federaalka katirsan.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa durbaba sheegatay mas'uuliyadda Weerarka,sarkaal katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadooda qaabilsan ugaarsashada saraakiisha Argagaxisa ladirirka isku magacaabay ay weerarkan fuliyeen ayna sii wadi doonaan dabar goynta Saraakiisha Dowladda Federaalka.

"Ciidamada Mujaahidiintu waxay Muqdisho ku dileen Taliye ku xigeenkii Murtadiinta ee isku magacaabay ka hortagga Argagaxisada isaga iyo kuwa la socday waxay ahaayeen Ashahaadda ladirir Muslimiinta dhibaata ku hayay"ayuu yiri sarkaal katirsan Al Shabaab.

Ibraahim Axmed Faarax iyo saraakiisha kale ee la beegsaday ayaa  si qarsoodi ah uga shaqeynayay magaalada Muqdisho waxaana dadka caadiga ah ku adkeyd in ay ogaadaan waxa ay yihiin saraakiisha laweeraray oo amni ahaan isku qarinayay gaadiidka dadweynaha waxaase muuqata in Al Shabaab oo cadawgooda si fiican u yaqaan ay arrinkaasi fashiliyeen.

Waa Weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee lagu qaado saraakiisha Ashahaadda ladirirka DF-ka tan iyo markii wasiirka ammaanka loo magacaabay Khaliif Ereg Taliyaha cusub ee Nabad sugiddana la magacaabay.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]


Related Items