Turkiga oo si KMG ah uxiray Safaaraddiisa Muqdisho Sababa Ammaan darro.

Monday July 14, 2014 - 15:32:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Turkiga oo si KMG ah uxiray Safaaraddiisa Muqdisho Sababa Ammaan darro.

    Waqti ammaanka magaalada Muqdisho uu sii xumaanayo maalinba maalinta ka dambeysa ayay dowladda Turkiga ku dhawaaqday in ay si KMG ah uxirtay safaaradeeda Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waqti ammaanka magaalada Muqdisho uu sii xumaanayo maalinba maalinta ka dambeysa ayay dowladda Turkiga ku dhawaaqday in ay si KMG ah uxirtay safaaradeeda Soomaaliya.

War rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda Turkiga ayaa lagu sheegay in sababa ammaan darro aawgeed lakala diray shaqaalaha safaaradda Muqdisho illaa iyo amar dambe.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in saraakiisha Turkiga ee ku sugan Muqdisho loo daad gureeyay dhanka garoonka diyaaradaha Muqdisho iyadoona dhismaha safaaradda oo kutaal degmada Hodon lagu dhaafay waardiyaasha oo ah Soomaali.

xiridd safaaradda Turkiga ee muqdisho waxay imaanaysaa waqti dilal iyo weeraro qorshaysan ay ka socdaan intabadan degmooyinka gobolka Banaadir.


Turkiga ayaa duullaanka shisheeyuhu kusoo qaadeen uga qeyb qaatay faafinta akhlaaq xumi isagoo isku dayay in uu dhaqanka wanaagsan ee islaamiga ah ka reebo shacabka Muqdisho waxaana xusid mudan in Turkigu dhaqaale xooggan siiyaan soo duulayaasha AMISOM iyo xukuumadda Xasan Sheekh.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items