Faah Faahin:Sarkaal Katirsanaa DF-ka oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Sh/Hoose.

Monday July 14, 2014 - 17:03:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Sarkaal Katirsanaa DF-ka oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Sh/Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaallo culus oo ciidamada mujaahidiinta wilaayada islaamiga shabeelaha Hoose iyo maleeshiyadka DF-ka ku dhaxmaray deegaanno hoos yimaad W/Weyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay dagaallo culus oo ciidamada mujaahidiinta wilaayada islaamiga shabeelaha Hoose iyo maleeshiyadka DF-ka ku dhaxmaray deegaanno hoos yimaad W/Weyn.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada muslimiinta ay maanta barqadii wadada ugaleen kolonyo gaadiid ah oo ka yimid dhanka Yaaqbariweyne kunasii jeeday Balidoogle.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dagaalkii maanta lagu dilay taliyihii ciidankii dowladda Federaalka ee garoonka Balidoogle oo lagu magacaabi jiray Cumar Sheekh Cilmi.

Meydka sarkaalka iyo sedax askari oo ilaala u aheyd ayaa lagu rakay wadada laamiga ah,wararka ayaa intaasi ku daraya in gaadiid ay wateen AMISOM iyo ciidanka DF-ka ay ku adkaatay isticmaalka wadada laamiga ah.


Dhinaca kale weerar dhabagal ah oo ka dhacay deegaanka Leego waxaa isku day dil ka badbaaday taliyaha ciidanka DF-ka ee gobollada Bay iyo Gedo.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin xarakada Shabaabul Mujaahidiin iyo DF-ka oo ku aaddan dagaalkii saacadaha badan qaatay ee maanta Sh/Hoose ka dhacay.


Mahad Yare
SomaliMeMo
Muqdisho
[email protected]

Related Items