Abuu Muscab "Sarkaalkii CIA-da u Qaabilsanaa Dhageysiga Taleefanada Shacabka Ayay Mujaahidiintu Muqdisho Ku Khaarijiyeen" Dhageyso.

Monday July 14, 2014 - 20:03:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.3/5 Stars) Total Votes: 3
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Abuu Muscab "Sarkaalkii CIA-da u Qaabilsanaa Dhageysiga Taleefanada Shacabka Ayay Mujaahidiintu Muqdisho Ku Khaarijiyeen" Dhageyso.

    Taliska ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa war kasoo saaray howlgallo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo deegaanno Sh/Hoose katirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa war kasoo saaray howlgallo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo deegaanno Sh/Hoose katirsan.

Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidanka Al Shabaab ayaa shir Jaraa’id oo uu qabtay wuxuuna ku faah faahiyay shaqadii ay shisheeyaha u hayeen saraakiil maanta lagu dilay Muqdisho.

Abuu Muscab wuxuu sheegay in ciidankoodu ay ka takhaluseen Col.Ibraahim Axmed Faarax oo ku magacaawnaa Taliye ku xigeenkii ladagaalanka Argagaxisada!.

"Sarkaalka Ashahaadda ladirirka ah ee Ibraahim Axmed Faarax iyo mid kale oo la socday ayay mujaahidiintu ku dileen halka ay iska galaan degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab,murtadkani wuxuu ahaa Ninkii mas’uulka ka ahaa qalabka muslimiinta Lagu Jaajuuso ee yaal xarunta Xalane”ayuu yiri Abuu Muscab.


Afhayeenka ciidanka XSHM wuxuu xaqiijiyay in Ibraahim Axmed Faarax uu ahaa Jaasuus weyn oo isku xire u ahaa CIA-da Mareykanka iyo Dowladda Federaalka islamarkaana mas’uul ka ahaa qalabka Taleefanada shacabka Muqdisho lagu dhageysto ee Xalane ku rakiban.

Dhinaca kale Abuu Muscab wuxuu ka hadlay dagaal sarkaal sare lagu dilay oo maanta barqadii ka dhacay deegaanka Yaaqbariweyne ee shabeelaha Hoose.
Halkan ka dhageyso Shirka Jaraa’id ee Sh.Abuu Muscab MP3

Related Items