Obama oo Safiir U Aqoonsaday Cumar Cabdi Rashiid Sharmaake.

in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Obama oo Safiir U Aqoonsaday Cumar Cabdi Rashiid Sharmaake.

    Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in waraaqaha danjiranimo ay ka guddoontay Cumar Cabdi Rashiid Sharmaake oo dhawaan loo magacaabay safiirka DF-ka uga wakiilka ah Mareykanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in waraaqaha danjiranimo ay ka guddoontay Cumar Cabdi Rashiid Sharmaake oo dhawaan loo magacaabay safiirka DF-ka uga wakiilka ah Mareykanka.

Munaasabad ka dhacday aqalka cad ee magaalada Washington ayuu madaxweynaha Mareykanka Obama ku qaabilay Cumar Cabdi Rashiid isagoona sheegay in uu u aqoonsaday safiirka Soomaaliya ee Mareykanka.

Sharmaake oo isna hadlayay wuxuu sheegay in uu ku faraxsanyahay aqoonsiga kaga yimid Mareykanka uuna ku dadaali doono sidii uu uga shaqeyn lahaa wanaajinta cilaaqaadka ka dhaxeeya DF-ka iyo Mareykanka.

Xildhibaan Keith Ellison oo lagasoo xulo gobolka Minnesota ayaa sheegay in uu gacan weyn ka geystay sidii Obama uu u qaabili lahaa safiirka cusub ee Xasan Sheekh dhawaan u magacaabay Washington.


Dowladda Mareykanka ayaa bixisa dhaqaalaha ku baxa soo duulayaasha afrikaanta AMISOM ee xoogga ku jooga Soomaaliya wuxuuna Mareykanku qeyb ka yahay dagaalka ka dhanka muslimiinta ee Soomaaliya ka socda.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items