Daawo:Diyaaradaha Drone-ka Mujaahidiinta Filasdiin oo Shaqa Bilaabay Weerarana ku Qaaday Yahuuda.

Tuesday July 15, 2014 - 10:48:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 10
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Diyaaradaha Drone-ka Mujaahidiinta Filasdiin oo Shaqa Bilaabay Weerarana ku Qaaday Yahuuda.

    Wararka ka imaanaya magaalada qaza ayaa sheegaya in ciidamada Yahuudda Sahyuuniyadda ay wali sii wadaan weerarada ka dhanka ah shacabka musliminta Filasdiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada qaza ayaa sheegaya in ciidamada Yahuudda Sahyuuniyadda ay wali sii wadaan weerarada ka dhanka ah shacabka musliminta Filasdiin.

Boqolaal shacab ah ayaa shuhaddo iyo dhaawac ku noqotay weerarada arxandarrada ah ee cadawga Yahuudda ku wadaan muslimiinta qaza.

Iyadoo sidaasi ay loogu xasuuqayo shacabka ayay xoogaga wax iska caabinta markii ugu horreysay adeegsadeen diyaarado aan duuliye laheyn.

Jamaacada Cizudiin Qassaam oo ah garabka Melleteri ee Xamaas ayaa ku dhawaaqday in sedax diyuuradood oo nuuca Drone-ka ah ay u adeegsatay dagaalka ay kula jirto Yahuudda.

http://wata.cc/up/2014/07/images/w-b0423b0afe.jpg
Bayaan kasoo baxay Cizudiin ayaa lagu faah faahiyay diyuuradaha mujaahidiintu adeegsadeen Diyaaradda magaceedu yahay AIC ayaa qaza laga diray iyadoona howlgallo gaar ah kasoo fulisay gudaha dhulka Yahuudu heysato.

diyaarad kale oo wadata magaca AIB ayaa ah mid istish-haadi ah oo hal qof qaadi karo islamarkaana duqeymo ka geysan karta bartilmaameedyo gaar ah.

Sidoo kale diyaarad wadata magaca AIA oo Drone ah ayaa duulimaad kusoo sameysay sedax jeer magaalada Talaabiib gaar ahaan wasaaradda difaaca Yahuuda waloow markii dambe lasoo riday.

Caalamka oo idil ayaa hadal haya sida ay xoogaga mujaahidiinta Filasdiin ugu surtagashay in ay adeegsadaan diyaarado ay iyagu gacahooda ku sameysteen waxaana diyaaradahan loogu magac daray "Abaabiil”.


Hoos Ka Daawo Drone-ka mujaahidiinta oo Yahuudda duqeynaya



Related Items