Duuliye u dhashay Wadanka Ingiriiska oo lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Dalka Tanzania.

Monday February 01, 2016 - 10:46:30 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Duuliye u dhashay Wadanka Ingiriiska oo lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Dalka Tanzania.

    Wararka ka imaanaya wadanka Tanzania ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay weerar ku qaadeen shirkad ay leedahay dowladda Ingiriiska oo qaabilsan ilaalinta xayawaanka duur joogta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo Katirsan dowladda Ingiriiska
Wararka ka imaanaya wadanka Tanzania ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay weerar ku qaadeen shirkad ay leedahay dowladda Ingiriiska oo qaabilsan ilaalinta xayawaanka duur joogta.

Sarkaal katirsanaa ciidanka cirka dowladda Ingiriiska ayaa lagu dilay weerar ay fuliyeen kooxo ugaarsata ah halka sedax kale oo caddaan ah ay dhaawacmeen.

Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Tanzania ayaa sheegtay in kooxaha ugaarsada Maroodiga ay jimcihii lasoo dhaafay soo rideen diyaarad ay wateen saraakiil ingiriis ah.

Tanzania waxay sheegtay in ay gacanta ku dhigtay sedax qof oo looga shakiyay in ay ku lug lahaayeen weerarka lagu qaaday diyaaradda Ingiriiska laga leeyahay.


Dowladda Ingiriiska ayaa galaangal dhanka siyaasadda iyo ammaanka ah ku leh wadanka Tanzania oo ay horay u gumaysan jirtay,kooxaha wax ugaarsada ee Tanzanian-ka ah ayaa ku doodaya in ay shisheeye ka difaacanayaan dhulka keymaha ee hodonka ku ah xayawaanaadka duur joogta ah.

Related Items