Weerar Khasaara Dhaliyay oo Lagu Qaaday Saldhigga Degmada Huriwaa iyo Qarax Ka Dhacay Guulwadayaasha.

Tuesday July 15, 2014 - 11:16:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Khasaara Dhaliyay oo Lagu Qaaday Saldhigga Degmada Huriwaa iyo Qarax Ka Dhacay Guulwadayaasha.

    Xoogag hubeysan ayaa xalay fiidkii weerar qorshaysan ku qaaday saldhigga booliska degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho xilli ammaanka caasimadda faraha kabaxay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa xalay fiidkii weerar qorshaysan ku qaaday saldhigga booliska degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho xilli ammaanka caasimadda faraha kabaxay.

Wararka ka imaanaya degmada Huriwaa ayaa sheegaya in ciidamo katirsan xarakada shabaabul Mujaahidiin ay xalay fiidkii weerar xoogan ku galeen saldhigga Huriwaa iyagoona halkaasi kula dagaalamay ciidamo taabacsan Dowladda Federaalka.

Rasaas xooggan iyo gantaallada garbaha laga gemo oo lala eeganayay saldhigga ayaa laga maqlayay intabadan xaafadaha degmada Huriwaa iyo degmada Yaaqshiid.

Weerarkan ayaa qeyb ka ah howlgallo xiriir ah oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay ka wadaan Muqdisho inta lagu gudajiro bisha Ramadaan sida uu sheegay Sh.C/Caziiz Abuu Muscab.


Liibaan Jeexoow
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]



Related Items