Shire Aadan Jiraabeey oo si lama filaan ah ugu dhintay Degmada Hareeraysan ee Buula Burde.

Tuesday July 15, 2014 - 12:38:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shire Aadan Jiraabeey oo si lama filaan ah ugu dhintay Degmada Hareeraysan ee Buula Burde.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu si lama filaan ah u geeriyooday Ninkii duqa degmada Buula Barde ugu magacaawnaa DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in uu si lama filaan ah u geeriyooday Ninkii duqa degmada Buula Barde ugu magacaawnaa DF-ka.
Shire Aadan Jiraabey oo ciidanka Jabuuti iyo maleeshiyaadka lasocda wakiil uga ahaa buula Barde ayaa la sheegay in uu u dhintay cudur kusoo booday laba maalin ka hor.

Ilo wareeydo ayaa sheegaya in Shire uu dalbaday in diyaarad loogasoo diro dhanka magaalada Muqdisho si baaritaan caafimaad loogu sameeyo madaama ay hareerayn saarantahay degmada Buula Barde balse saraakiisha Jabuutiyaanka ayaa ka dhega adeygay.

"Shire Aadan saaka ayaa la aasay isagoo laba maalmood kaliya xanuunsanayay ehelkiisa ayuu laxariiray isagoo ka sheeganayay go’doominta magaalada saaran Jabuutiyaankuna way diideen in diyaarada loosoo diro”ayuu yiri qof Hiiraan ku sugan.


Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin saraakiisha Jabuutiyaanka oo ku aadan sababta uu u dhintay guddoomiyihii Buula Barde.

Related Items