Dagaal Markale Ka Dhacay Deegaanka Leego iyo Askari Lagu Dilay Magaalada Marka Sh/Hoose.

Tuesday July 15, 2014 - 12:50:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Markale Ka Dhacay Deegaanka Leego iyo Askari Lagu Dilay Magaalada Marka Sh/Hoose.

    Xoogag hubeysan ayaa bartamaha degmada Marka ku dilay mid kamida ciidamada Canshuur qaadista ee la shaqeeya shisheeyaha Afrikaanta magaaladaasi xoogga ku heysta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa bartamaha degmada Marka ku dilay mid kamida ciidamada Canshuur qaadista ee la shaqeeya shisheeyaha Afrikaanta magaaladaasi xoogga ku heysta.

Wararka ka imaanaya shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in daqiiqado kadib markii uu falka dilka ah dhacay qarax lagu weeraray saldhigga booliska.

Weerar kale oo ka dhacay degmada Afgooye ayuu khasaara kasoo gaaray ciidamo katirsan Dowladda Federaalka,dadka deegaanka ayaa sheegay in xalay fiidkii ay dhowr qarax ka maqleen gudaha degmadaasi.

Dhinaca kale ciidamada mujaahidiinta wilaayada Islaamiga Shabeelaha Hoose ayaa maanta barqadii weerar ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo marayay duleedka deegaanka Leego.


Ilo wareedyo ayaa sheegayay in dagaal muddo daqiiqado ah socday uu dhulka howdka ah ku dhaxmaray maleeshiyaad DF-ka katirsan iyo ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Waa dagaalkii 2-aad oo laba maalmood gudahood wadada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo ka dhaca shalay ayaa Col. katirsanaa Melleteriga DF-ka lagu dilay weerar Yaaqbariweyne ka dhacay.


Mahad Yare

SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items