Sh.Cali Jabal "Dhalinyarada Maanta Muqdisho Lagu dilay Al Shabaab Kama Tirsaneyn Nafiso Cismaana Annagu Madilin" Dhageyso.

Tuesday July 15, 2014 - 19:29:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Sh.Cali Jabal "Dhalinyarada Maanta Muqdisho Lagu dilay Al Shabaab Kama Tirsaneyn Nafiso Cismaana Annagu Madilin" Dhageyso.

    Sheekh Cali Max'med Xuseen Sheekh Cali Jabal oo xarakada Shabaabul Mujaahidiin uqaabilsan gobolka Banaadir ayaa war kasoo saartay rag maanta Muqdisho lagu dilay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sh.Cali Jabal Waaliga Banaadir
Sheekh Cali Max'med Xuseen Sheekh Cali Jabal oo xarakada Shabaabul Mujaahidiin uqaabilsan gobolka Banaadir ayaa war kasoo saartay rag maanta Muqdisho lagu dilay.

Mas’uulkan oo caawa shir Jaraa’id qabtay ayaa xaqiijiyay in dhalinyarada maanta ladilay aysan katirsanayn shabaabul Mujaahidiin islamarkaana gabadha Nafiso ee Yaaqshiid lagu dilay aysan Al Shabaab wax lug ah ku laheyn.

Sheekh Cali Jabal ayaa si faah faahsan u sheegay in haba yaraatee dhalinyarada ladilay aysan ku lug laheyn shabaabul Mujaahidiin oo ay kamid ahaayeen dadka caadiga ah ee caasimadda ku dhaqan.

"Maanta waxay warbaahintu soo bandhigtay Rag ay murtadiintu Muqdisho ku dileen iyagoo ku sheegaya in ay mujaahidiinta katirsan arrinkaasi waa been aan waxba kajirin Ragga ladilay meelna kamasoo galaan shabaabul Mujaahidiin dadka caadiga ah ee magaalada degan ayay qeyb ka ahaayeen marnaba kama mid noqon shabaabul Mujaahidiin”ayuu yiri Sheekh Cali Jabal.


Al Shabaab dadka ay disho maqarsato oo way sheegataa.

Sheekh Cali Jabal wuxuu xaqiijiyay in Al Shabaab cidda ay dagaalka kula jirto uu cad yahay islamarkaana dadka ay dilaan ay warbaahinta ka sheegtaan balse wiilashii Muqdisho lagu toogtay iyo gabadhii horay loogu dilay Yaaqshiid ee Nafiso Cusmaan aanay iyago ka dambeyn.

"Markale waxaan sheegaynaa in aan dilin gabadha reerkeeda waxaan leenahay annugu bari’ ayaan ka nahay falkaasi namasoo galo,annagu cidda aan dilno waan sheeganaa waana cadyahay cadawga dagaalku naga dhaxeeyo”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Sheekh Cali Jabal.

Ugu dambeyntii  Xarakada Al Shabaab waxay sheegtay in gummaadka shacabka uu halkiisa kasii amba qaaday Khaliif Ereg oo horay usoo noqday taliyaha Nabad sugidda gobolka Banaadir balse ay tallaab ka qaadi doonaan.

Halkan ka degso shirka Jaraa'id Ee Sh.Cali Jabal MP3

Related Items