Xildhibaan Dalxa "Ammaan Darrada Muqdisho Waxay Saameysay Howshii Baarlamaanka".

Wednesday July 16, 2014 - 07:23:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Dalxa "Ammaan Darrada Muqdisho Waxay Saameysay Howshii Baarlamaanka".

    Xilli Weerarada iyo dilalka qorshaysan kusii badanayaan magaalada Muqdisho ayay walaac dhanka ammaanka ah muujinayaan dhammaan dadka ku lugta leh DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli Weerarada iyo dilalka qorshaysan kusii badanayaan magaalada Muqdisho ayay walaac dhanka ammaanka ah muujinayaan dhammaan dadka ku lugta leh DF-ka.
Xildhibaan Max’med Cumar Dalxa oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ayaa sheegay in cabsi ballaaran ay dareemayaan isagoo ugu baaqay ciidamada AMISOM in ay sugaan ammaanka xildhibaanada.

"Weerarada lagusoo qaado xarumaha baarlamaanka way sii xoogeysteen xildhibaanaduna waxay ka baqayaan in labeegsado,codsiyo badan oo aan AMISOM udirnay waxba kama dhaqan gelin”ayuu yiri xildhibaan Dalxa.

Ciidamada xarakada Al Shabaab ayaa bishan gudaheeda xildhibaan ku dilay Muqdisho mid kalane dhaawacay arrinkaasi oo sii xoojiyay cabsida xildhibaanada.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items