Xukuumadda Liibiya oo Q.Midoobe Ka Codsatay in Faragelin Melleteri Lagu Sameeyo Wadankaasi.

Wednesday July 16, 2014 - 08:27:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Liibiya oo Q.Midoobe Ka Codsatay in Faragelin Melleteri Lagu Sameeyo Wadankaasi.

    Wasiirka arrimaha dibadda Liibiya ayaa sheegaya in Q.Midoobe iyo waxa loogu yeero beesha caalamka ay ka codsadeen faragelin melleteri oo wadankaasi ay kusoo sameeyan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibadda Liibiya ayaa sheegaya in Q.Midoobe iyo waxa loogu yeero beesha caalamka ay ka codsadeen faragelin melleteri oo wadankaasi ay kusoo sameeyan.
Maleeshiyaad hubeysan oo maalmihii lasoo dhaafay ku dagaalamayay madaarka caalamiga magaalada Daraabulis ayaa hakiyay intabadan adeegyadii bulshada magaalada caasimadda ah.

"Liibiya waxay u gu baaqaysaa beesha caalamka in faragelin melleteri ay kusoo sameyso wadanka si loo badbaadiyo madaxbanaanida wadanka oo halis kujirtaā€¯ayuu yiri wasiirka arrimaha dibada Liibiya.

R/wasaaraha KMG Liibiya Axmed Maciitiq ayaa isna sheegay in shakhsi ahaan uu ka fikirayo in uu Banki Moon ka dalbado faragelin shisheeye.


Dagaal saacado badan qaatay oo ka dhacay caasimadda ayaa lagu burburiyay tobaneeyo diyaarada ah oo yiillay garoonka waxaana magaalooyinka waaweyn ee wadankaasi laga daadgureeyay shaqaalaha ajaanibta ah.

Magaalada Banqaazi ee dhacda bariga Liibiya waxaa ku dagaalamaya mujaahidiinta Ansaaru Shareecah iyo maleeshiyaadka dagaal Ooge Khaliifa Xaftar.



Liibaan Jeexoow
SomaliMeMo
Muqdisho
[email protected]

Related Items