10 Qof oo Lagu Dilay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Duleedka Magaalada Beled Weyne.

Wednesday July 16, 2014 - 08:42:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    10 Qof oo Lagu Dilay Dagaal Beeleed Ka Dhacay Duleedka Magaalada Beled Weyne.

    Ugu yaraan Toban qof ayaa dhimatay 20 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib dagaallo beeleedyo dib uga qarxay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu yaraan Toban qof ayaa dhimatay 20 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib dagaallo beeleedyo dib uga qarxay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad qaab beeleed ukala saftay ay ku dagaalameen deegaanka Deefoow oo 40 KM ujira magaalada Beled Weyne xarunta Hiiraan.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in meydadka 6 Nin oo katirsan qeyb kamid ah dhinacyadii dagaalamay lageeyay xarunta Hiiraan halka 10 dhaawac ah lajiifiyay isbitaalka Beled Weyne.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dab laqabadsiiyay guryo dad shacab ah leeyihiin oo kuyaal deegaanka Deefoow oo ah halka lagu dagaalamayo.


Colaadda udhaxaysa beelaha dega deegaanada ku teedsan xad beenaadyada ay wadaagaan Hiiraan iyo dhulka Soomaaligalbeed ee Itoobiya gumeysato ayaa sanadadii lasoo dhaafay taagneed mana jirto cid u istaagta xal ka gaarista colaadaasi.


Mahad Yare
SomaliMeMo
Muqdisho
[email protected]


Related Items