11 Askari Kenyan ah oo lagu dilay Duleedka Afmadoow iyo gaadiid lagubay.

Wednesday July 16, 2014 - 13:13:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    11 Askari Kenyan ah oo lagu dilay Duleedka Afmadoow iyo gaadiid lagubay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamada gumeysiga Kenya ee Soomaaliya kusoo duulay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada hoose ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday ciidamada gumeysiga Kenya ee Soomaaliya kusoo duulay.
Sarkaal katirsan xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in ciidankoodu ay laba gaadiidka dagaalka ah ka gubeen ciidanka Kenya xilli ay ku socdaalayeen duleedka degmada Afmadoow.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in 11 askar Kenyan ah lagu dilay weerarka,ilo wareedyo ayaa sheegaya in mid kamida gaadiidka lagubay ay miino lakacday halka midka kale lala helay gantaallada garbaha laga gemo oo ay adeegsadaan ciidanka Shabaabul Mujaahidiin.


Dhinaca kale qarax ka dhacay bartamaha magaalada Marka waxaa ka dhashay khasaara xooggan oo soo gaaray ciidamada Burundi oo qeybta ka ah shisheeyaha AMISOM.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in gaariga qaraxu qabsaday uu gabi ahaantiisba gubtay waxaana dhintay darawalkii gaariga.

Lasoco wixii soo kordha

Related Items