Weeraro Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidamada Xabashida Itoobiya ee Magaalooyinka Baydhabo iyo Garasweyne.

Sunday February 21, 2016 - 19:42:15 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weeraro Lagu Qaaday Saldhigyada Ciidamada Xabashida Itoobiya ee Magaalooyinka Baydhabo iyo Garasweyne.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Bay iyo Bakool ee dhaca Koonfurta soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya ee soomaaliya kusoo duulay
Khasaara xooggan ayaa ka dhashay dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Bay iyo Bakool ee dhaca Koonfurta soomaaliya.

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen deegaanka Garasweyne halkaasi oo ay ku suganyihiin cutubyo katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya.

Wariye ku sugan Bay iyo Bakool ayaa soo sheegay in ciidamada xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay dhowr jiho ka weerareen saldhigyada ciidamada Xabashida Itoobiya ee Garasweyne.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in tobaneeyo katirsan ciidanka Xabashida Itoobiya ay ku dhinteen weerarkii Garasweyne.


Dhinaca kale xoogaga Shabaabul mujaahidiin ayaa xalay duqeeyay saldhig ay ciidamada gumeysiga Itoobiya ku leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo.

Inta badan deegaanada Gobollada Bay iyo Bakool waxaa ka dhaca weeraro ka dhan ciidamada soo duulayaasha xabashida Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items