Xabad Joojin Ka Dhaqan Gashay Suuriya iyo Hoggaamiyaha Jabhadda Al Nusrah oo Ku Gacan Sayray.

Saturday February 27, 2016 - 12:13:03 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Xabad Joojin Ka Dhaqan Gashay Suuriya iyo Hoggaamiyaha Jabhadda Al Nusrah oo Ku Gacan Sayray.

    Inta badan kooxaha mucaaradka wadanka Suuriya ayaa qalinka ku jiiday heshiis xabad joojin ah oo ka dhaqan galay furimaha dagaalka laysku hor fadhiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Inta badan kooxaha mucaaradka wadanka Suuriya ayaa qalinka ku jiiday heshiis xabad joojin ah oo ka dhaqan galay furimaha dagaalka laysku hor fadhiyo.

Wararka ka imaanaya Suuriya ayaa sheegaya in ay joogsadeen xaddiga dagaalka waqooyiga wadanka iyo hareeraha magaalada caasimadda ah ee Dimishiq balse gobolka Xammaah ee bartamaha Suuriya dhaca ayaa dagaallo lagasoo sheegayaa.

100 Kooxood oo katirsan mucaaradka qunyar socodka Suuriya ayaa saxiixay heshiiska xabad joojinta ah oo qodobadiisa ay kamid yihiin in dagaalka lagu adkeeyo xoogaga jihaadiga ah sida dowladda Islaamiga ah iyo Jabhadda Al Nusrah.


Dhinaca kale hoggaamiyaha Jabhadda Al Nusrah oo ah faraca Al Qaacidada Suuriya Max’med Al Jowlaani ayaa ku gacan sayray xabad joojinta wuxuuna kooxaha mucaaradka ugu baaqay in aysan dagaalka joojin.

Al-Jowlaani oo ka hadlayay Kalimad Maqal ah oo socotay muddo 21 daqiiqo ah, ayna faafisay Mu’assasada "Al-Manaaratul Beydaa” waxa uu adkeeyay in loolanka u dhaxeeya xaqqa iyo baadilka inuu yahay mid weligiisa sii socon doona illaa maalinta Qiyaamaha.

" Kuma filna Xaqqa inuu xaq iska ahaado si uu u guuleysto, waxaa lagama maar maan ah inuu helo Quwad difaaceysa oo caawineysa”ayuu yiri, isagoo intaas kusii daray : " in Ahlu Shaam ay bixiyeen takaaliif badan muddo dhowr sanadood ah, islamarkaana ay dha-dhamiyeen dhibaatada iyo Qaxarka, ayna iska dhiciyeen Nidamka Nuseyriga ah iyo kaaliye-yaashiisa ee Iiraaniyiinta, Afghaaniyiinta iyo Xizbullaah”.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray : " Waxay dadku dha-dhamiyeen Qiimaha Cizzada, waxay ogaadeen sida xaqqa loo soo dhacsado, mana ogolaan doonaan in markale la dulleysto”. Al-Faatix Abuu Muxamed Al-Jowlaani waxa uu Shacabka Suuriya uga digay Shirarka Shirqoollada ah, isagoo yiri : "Reer Shaamow iska jira dhagarta reer galbeedka iyo Mareykanka, iska jira shirqoolka raafidada iyo Nuseyriyada, maalintii ugu horreysay ee kacdoonka waxaa tiraahdeen : dhimasho ayaan ka door bideynaa dullinimo, inaad ka dhabeysaan ayaan la idinka sugayaa Inshaa’allah”.

Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in xabad joojinta laga iclaamiyay Suuriya ay u danaynayso nidaamka Bashaar al-asad oo sanadadii lasoo dhaafay qarka ufuulay in uu dhaco kadib markii laga qabsaday magaalooyin iyo deegaano istiraatiiji ah.

Muraad Jaamac,Dubai,UAE
[email protected]

Related Items