Baarayaal Reer Galbeed ah oo Sheegay in Xarakada Al Shabaab ay Soddon Sanadood Sii Wadi Karto Dagaalka ay Uga Jirto Soomaaliya.

Saturday March 05, 2016 - 17:07:26 in Wararka by
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarayaal Reer Galbeed ah oo Sheegay in Xarakada Al Shabaab ay Soddon Sanadood Sii Wadi Karto Dagaalka ay Uga Jirto Soomaaliya.

    Baarayaal Reer galbeed ah ayaa sheegatay in dagaalka soomaaliya ka socda aan looga adkaan karin xarakada Shabaabul Mujaahidiin 30-ka sanadood ee soo socda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al Shabaab ayaa Ciidanka Kenya ku Xasuuqday Dagaalkii Ceel-cadde
Baarayaal Reer galbeed ah ayaa sheegatay in dagaalka soomaaliya ka socda aan looga adkaan karin xarakada Shabaabul Mujaahidiin 30-ka sanadood ee soo socda.



Matt Bryden oo cilmi baare ka ah machad fadhigiisu yahay magaalada Nairobi iyo Qoraa lagu magacaabo Stig Jarle Hansen ayaa aaminsan in weeraradii ugu dambeeyey ee gilgilay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo howlgaladii is xigxigay ee lagu xasuuqay ciidamada Amisom ay muujiyeen dib u soo kabashada awoodii Mujaahidiinta AlShabaab iyo guuldarada howlgalkii AMISOM ee lagu qabsaday inta badan magaalooyinka iyo degmooyinka koonfurta Soomaaliya.



Warbixin uu qoray Nin  lagu magacaabo Tristan McConnell oo lagu soo daabacay Wakaalada AFP, soona xiganeysa raggan iyo cilmi-baareyaal kale ayaa guul darooyinkii ugu dambeeyey ee ku habasaday Ciidamada AMISOM  u sababeysay kala shaki iyo kalsooni-darro ka dhex jirta dowladaha ciidamadoodu kusoo duuleen Soomaaliya, wada-shaqeyn la’aanta ka dhextaagan isbaheysiga dhexdiisa, dhaqaale xumo iyo la qabsashada ama ka hortagga dagaalka Jabhadeynta Mujaahidiinta ee waayadii dambe lagu wiiqay awoodda soo duulayaasha.

Inkastoo dad badan ay jab iyo guuldarro u arkeen isbedal dagaaleedkii Mujaahidiinta ee sanadkii 2011-ka, hadane dad badan waxay rumeysan yihiin qorshahaas uu ahaa midkii ciidamada shisheeyaha AMISOM  ku qasbay in ay ka soo baxaan difaacyada, ayna muddo kooban gudaheed isku fidiyaan dhul balaaran oo aysan u heli karin awood ciidan iyo dhaqaale lagu difaacdo, waana taasi sababta la rumeysan yahay in ay soo dadajisay guuldarada isbaheysiga Afrikaanta.

"AMISOM waxay ku jirtaa dagaal qaldan, sababtoo ah waxay hadda ku jiraan difaac oo dhabarkooda ayey iska ilaalinayaa, iyagoo difaacyadooda ku jira. Halmar ayey todobaadkii roondo u soo baxayaan, inta ka hartay todobaadkaasna AlShabaab ayaa arinta kala wareegeysa” ayuu yiri Stig Jarle Hansen oo ah qoraa ka soo jeeda wadanka Norway.

Baarayaasha reer galbeedka ah waxay saadaaliyeen in 30-ka sano ee soo socda ay shabaabul Mujaahidiin awooddo sii wadidda dagaalka iyadoo taageero lixaad leh ka helaysa shacabka soomaaliya iyo kumanaan kale oo la tacaadufsan.

"Al Shabaab waxay awoodaa in ay sii waddo dagaalka waana koox taageero wanaagsan ka hesha shacabka soomaalida"ayuu yiri baare kale oo reer galbeed ah.

Warkan  kasoo yeeray reer galbeedka ayaa kusoo aadaya xilli dib ugurasho ay saaxada dagaalka Soomaaliya ay ka sameynayaan ciidamada shisheeyaha Afrikaanta iyadoona shabaabul Mujaahidiin ay dhul ballaaran qabsatay islamarkaana ay kasbanayso taageero ballaaran oo ay ka helayso bulshada muslimiinta soomaalida iyo Kenya.

Xigasho:AFP Halkan ka akhri warka oo carabi ah

Related Items