Ciidamada Mujaahidiinta oo Xalay Dagaal Kula Wareegay Xaafado Katirsan Jowhar Kadibna isaga baxay.

Thursday July 17, 2014 - 09:07:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Mujaahidiinta oo Xalay Dagaal Kula Wareegay Xaafado Katirsan Jowhar Kadibna isaga baxay.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay xalay dagaal ku galeen magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay xalay dagaal ku galeen magaaladaasi.

Kadib dagaal saacado badan qaatay ayay ciidamada shabaabul Mujaahidiin ugu suurtagashay in ay qabsadaan xaafado katirsan magaalada Jowhar oo ay gacanta ku hayeen ciidamada AMISOM iyo maleeshiyaadka DF-ka.


Dagaalka oo xalay saqdii dhexe bilaawday inta la ogyahay waxaa ku dhintay 2 askari oo katirsan kuwa maamulka magaalada Jowhar,ilo wareeydo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in intabadan xaafadaha dhaca Bariga magaalada ay qabsadeen ciidamada Al Shabaab waloow markii dambe ay isaga baxeen.


Waa dagaalkii ugu weynaa ee ka dhaca shabeellaha dhexe tan iyo markii ay bilatay bisha barakaysan ee Ramadaan wali wax war ah kamasoo bixin maamulka Cabdi Jiinoow madaxda ka yahay iyo taliska ciidanka shabaabul Mujaahidiin.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected],com


Related Items