Faah Faahin:Askar iyo Saraakiil Katirsan Ciidanka Uganda oo lagu dilay Weerar Ka Dhacay Sh/Hoose.

Thursday July 17, 2014 - 10:40:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Askar iyo Saraakiil Katirsan Ciidanka Uganda oo lagu dilay Weerar Ka Dhacay Sh/Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax shalay gelinkii dambe gobolka shabeelaha Hoose lagula eegtay saldhig ay ciidamada shisheeye ku sugnaayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax shalay gelinkii dambe gobolka shabeelaha Hoose lagula eegtay saldhig ay ciidamada shisheeye ku sugnaayeen.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo laga helay Sh/Hoose ayaa sheegaya in 5 askari oo katirsan ciidanka Uganda lagu dilay qarax xoogan oo ka dhacay saldhigga AMISOM ee Danaw halka 10 kale ay dhaawacyo halis ah gaareen 3 sarkaal oo dagaal geliyaal lagu sheegay ayaa iyana ku dhintay qaraxa oo larumeysanyahay in uu ka dhashay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in gaadiid gaashaaman oo ay lahaayeen ciidamada shisheeye ay gubteen qaraxa,goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in ay arkayeen uuro madoow oo cirka isku shareertay.


Wali wax war ah kamasoo bixin taliska AMISOM oo ku aaddan khasaaraha ka dhashay weerarkii shalay.

Mahad Yare
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items