Dagaallo Saacado Badan oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo.

Thursday July 17, 2014 - 11:29:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Saacado Badan oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo.

    Ciidamada mujaahidiinta wilaayada islaamiga Jubbooyinka ayaa weeraro is xigxigay ku qaaday saldhigyo ay maleeshiyaadka axmed Madoobe iyo kuwa Kenya ku leeyihiin duleedka Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada mujaahidiinta wilaayada islaamiga Jubbooyinka ayaa weeraro is xigxigay ku qaaday saldhigyo ay maleeshiyaadka axmed Madoobe iyo kuwa Kenya ku leeyihiin duleedka Kismaayo.

Wararka ka imaanaya Jubbada Hoose ayaa sheegaya in xalay fiidkii weerar xooggan lagu qaaday garoonka diyaaradaha Kismaayo oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada gumeysiga Kenya.

Dhinaca kale dagaal saacado qaatay ayaa saaka aroortii ka qarxay deegaanka Turkhato ee duleedka garoonka Kismaayo,ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidamada shabaabul Mujaahidiin oo ku qalabaysan gaadiidka dagaalka ay weerarka qaadeen.


Dagaalladan waxay kusoo aadayaa xilli ciidamada gumeysiga Kenya ay maalmihii lasoo dhaafay maleeshiyaad daba dhilifyo ah ku aruurinayeen Kismaayo kuwaasi oo doonayaan in ay carratuur mujaahidiinta difaaca ka dhigtaan.


Mahad Yare
SomaliMeMo
[email protected],com


Related Items