Wabiga Shabelle oo Biya Yareey iyo Barakac Ka Bilaawday Magaalada B/Weyne Ee Gobolka Hiiraan.

Monday March 14, 2016 - 12:45:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wabiga Shabelle oo Biya Yareey iyo Barakac Ka Bilaawday Magaalada B/Weyne Ee Gobolka Hiiraan.

    Boqolaal kun oo shacab reer Beled Weyne ah ayaa ka cabanaya biya yari kajirta magaaladooda kadib markii uu biya yareeyay wabiga shabeelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal kun oo shacab reer Beled Weyne ah ayaa ka cabanaya biya yari kajirta magaaladooda kadib markii uu biya yareeyay wabiga shabeelle.

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka soomaaliya ayaa sheegaya in xaalado abaareed oo saameeyay dadka iyo duunyada ay kajiraan deegaanada ku teedsan wabiga Jiinkiisa ee gobolka Hiiraan.

Waxgaradka Hiiraan ayaa sheegay in magaalada Beled Weyne ay gabaabsi kasii yihiin biyaha lacabo kadib markii uu guray wabiga shabeelle oo kumanaan qoys ay maalin walba ka biya cabi jireen.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ceelasha biyaha magaalada Beled Weyne ee aan riigga ku qodnayn ay biya yareeyeen arrinkaasi oo saameyn ku reebay nolosha bulshada.


in kabadan 100 tuulo oo ku teedsan wabiga jiinkiisa ayaa biya la’aan daran lagasoo sheegayaa waxaana laga cabsi qabaa in dadka iyo duunyada ay biya la’aan udhintaan haddii Raxmadda eebbe ee Roobabka aysan soo dagdagin.

Sidoo kale gobollada Shabeelaha dhexe iyo Shabeellaha Hoose oo wabiga shabeelle maro ayaa lagasoo sheegayaa biya la’aan midda hiiraan lamid ah.

Related Items