Sawir:Saraakiil Hor-leh oo Qarax iyo Toogasho Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

Thursday July 17, 2014 - 17:22:48 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawir:Saraakiil Hor-leh oo Qarax iyo Toogasho Lagu Dilay Magaalada Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorshaysan iyo qarax maanta siyaaba kala duwan uga dhacay xaafado katirsan degmooyinka magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gaari uu watay sarkaal maanta lagu qarxiyay Tarabuunka
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilal qorshaysan iyo qarax maanta siyaaba kala duwan uga dhacay xaafado katirsan degmooyinka magaalada Muqdisho.
Xoogag hubeysan ayaa degmada wadajir ku dilay Col-Afguduud oo katirsanaa ciidanka melleteriga dowladda Federaalkasaacad kadib markii dilka Wadajir dhacay ayaa qarax xoogan laga maqlay koonfurta Muqdisho.

Gaari Kaarib ah ayaa xilli uu marayay fagaaraha Tarabuunka waxaa qabsaday qarax kaasi oo ka dhacay dhanka hore,goob joogayaal ayaa sheegay in dadkii gaariga lasocday dhammaantood ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen.
Embedded image permalink

Qaraxa waxaa ku dhintay Sarkaal magaciisa lagusoo gaabiyay Cabdullaahi Siyaad oo booliska katirsanaa.

dhinaca kale maanta gelinkii dambe ayaa degmada Yaaqshiid lagu dilay sarkaal katirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo magaciisa lagusoo gaabiyay Max’med Abtidoon.

Qaraxyada iyo dilalka qorshaysan ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusii xoogaysanayay magaalada Muqdisho xilli lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.


Liibaan Jeexoow
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items