Ciidamada DF-ka oo Kufsi iyo Dil Ka Geystay Deegaanka Qoordheere Ee Gobolka Sh/dhexe.

Monday March 14, 2016 - 20:06:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada DF-ka oo Kufsi iyo Dil Ka Geystay Deegaanka Qoordheere Ee Gobolka Sh/dhexe.

    Maleeshiyaadka dowladda Federaalka ayaa sare uqaaday dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabka ku dhaqan deegaanno iyo degmooyin katirsan Sh/dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaadka dowladda Federaalka ayaa sare uqaaday dhibaatooyinka ay ku hayaan shacabka ku dhaqan deegaanno iyo degmooyin katirsan Sh/dhexe.

Wararka ka imaanaya Sh/dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaadka DF-ka ay markale kufsi iyo dil ka geysteen deegaan hoos yimaad degmada Raaga-Ceelle.

Goob joogayaal ku sugan tuulada Qoordheere ayaa sheegay in maleeshiyaadku ay haweenay ku kufsadeen Qoordheere islamarkaana ay dileen qof shacab ah.

"Ciidamada dowladda ayaa gabar ku kufsaday Qoordheere qof shacab ahna waa toogteen,xiisada u dhaxeeya beelo walaala ah ayaana tuulada ka taaganā€¯ayuu yiri qof deegaanka ah oo warbaahinta lahadlay.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in toogashada ay maleeshiyaadka dowladda Federaalka geysteen ay dagaal beeleed ka dhax abuurtay beelaha halkaasi wada dega.

Tan iyo markii ay ciidamada AMISOM iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka qabsadeen deegaano sh/dhexe katirsan bishii lasoo dhaafay ayay tacadiyo xooggan ku dhaqaaqeen.

Maalin ka hor ayay maleeshiyaad ku sugan deegaanka Ceel-baraf waxay kufsadeen haweenay 70 sana jir ah.

Related Items