Waxgaradka Hiiraan oo Markale Diiday in ay Ka Qeyb galaan Shirka Maamul Sameynta Magaalada Jowhar.

Monday March 14, 2016 - 20:06:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxgaradka Hiiraan oo Markale Diiday in ay Ka Qeyb galaan Shirka Maamul Sameynta Magaalada Jowhar.

    Waxaa Fashil iyo guul darro kusoo idlaaday kulan magaalada Beled Weyne uga socday waxgaradka gobolka Hiiraan iyo mas'uuliyiin katirsan DF.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Fashil iyo guul darro kusoo idlaaday kulan magaalada Beled Weyne uga socday waxgaradka gobolka Hiiraan iyo mas'uuliyiin katirsan DF.

Wararka ka imaanaya Beled weyne ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha dowlada Federaalka iyo xubno la socday oo katirsan xisbiga damul Jadiid ay ku fashilmeen in shacabka hiiraan ay ka dhaadhiciyaan ka qeyb galka shirka maamul usameynta labada gobol.

Waxgaradka Hiiraan ayaa warbaahinta u sheegay in ay diideen dhammaan codsiyadii ka yimid dhanka Dowladda Federaalka oo ku aadanaa in ay ka qeyb qaataan shirka magaalada Jowhar ee maamul midaysan loogu dhisayo gobolladda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Wasiirka arrimaha gudaha uu ka carooday hadallo kulul oo ay ujeediyeen odayaasha iyo siyaasiyiinta Hiiraan.

Dowladda Federaalka oo ay ku shaqeysanayaan dowlado shisheeye ayaa isku dayaysa in maamullo taabacsan xabashida Itoobiya ay ka hirgeliso gobollada dalka iyadoona qabaa’illada ay kasoo horjeesteen hanaanka maamul usameynta.

Saabir Cadde Xasan
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items