Madaxweynaha Ruushka oo Ku Dhawaaqay in Ciidankiisa uu kalasoo Baxayo Wadanka Suuriya.

Tuesday March 15, 2016 - 11:24:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Ruushka oo Ku Dhawaaqay in Ciidankiisa uu kalasoo Baxayo Wadanka Suuriya.

    Madaxweynaha Dowladda Ruushka Vladimir Putin ayaa ku amray Ciidamadiisa Meliteriga inay billaabaan soo daabulidda qeybta ugu ballaaran ee Cududda Meliteri ee Ruushka uu ku leeyahay dalka Suuriya, isagoo xusay in faragelintii Meliteri ee Ruushka uu ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dowladda Ruushka Vladimir Putin ayaa ku amray Ciidamadiisa Meliteriga inay billaabaan soo daabulidda qeybta ugu ballaaran ee Cududda Meliteri ee Ruushka uu ku leeyahay dalka Suuriya, isagoo xusay in faragelintii Meliteri ee Ruushka uu ku sameeyay dalkaasi in laga gaaray intii ugu badneyd ujeedooyinkii laga lahaa, waa sida uu hadalka u dhigay'e.

Isagoo ka hadlayay kulan ka dhacay Aqalka Kremlin-ka oo ay ka qeyb galeen Wasiirrada difaaca iyo arrimaha dibadda ayaa waxa uu sheegay Putin in kasoo bixitaanka Ciidamada Ruushka ee dalka Suuriya inuu billaabanayo maalinta Talaadada ee berrito ah.

Afhayeen u hadlay Aqalka Kremlin-ka waxa uu sheegay in Vladimir Putin uu khadka teleefonka kula hadlay hogamiyaha dalka Suuriya Bashaar Al-Asad, islamarkaana uu ku wargeliyay go’aanka uu Ruushku ku gaaray inuu ku joojiyo howl-galladii Meliteri ee uu ka waday dalkaasi.


Xukuumadda Moscow waxay billowday fara-gelinta Meliteri ee ka dhanka ah Shacabka iyo Mujaahidiinta Suuriya bishii September ee Sannadkii 2015-kii, waxaana xilligaasi ay sheegtay inay heshay codsi rasmi ah oo kaga yimid Nidaamka Nuseyriga ah, iyadoona xustay in Nidaamkaas uu ka dalbaday inay ka gacan ka siiso la dagaalanka Jamaacaatka Jihaadiga ah ee Suuriya ka dagaallama.

Wariye ku sugan magaalada Moscow ayaa sheegay in sababaha keenay in Ruushka uu ku dhawaaqo joojinta howl-galladii uu ka waday dalka Suuriya inay ugu horreyso dhaqaalaha Ruushka ee sii xumaanaya, iyo arrinta labaad oo ah in Xukuumadda Moscow ay ku adkaatay inay si deg deg ah kusoo afjaro dagaalka dalkaasi ka holcaya.

Related Items