10 Qof oo Cudurka Shubanka Ugu Geeriyootay Magaalada Jowhar Ee Gobolka Sh/dhexe.

Tuesday March 15, 2016 - 17:58:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    10 Qof oo Cudurka Shubanka Ugu Geeriyootay Magaalada Jowhar Ee Gobolka Sh/dhexe.

    Xaalad adag ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe iyo deegaannada hoos yimaad kadib markii wabiga shabeelle uu biya yareeyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalad adag ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeelaha dhexe iyo deegaannada hoos yimaad kadib markii wabiga shabeelle uu biya yareeyay.

Ku dhawaad 10 carruur ah ayaa cudurka shuban biyoodka ugu geeriyooday duleedka magaalada Jowhar iyadoona laga dayrinayo xaaladda caafimaad ee boqolaal qoys oo kunool gudaha iyo hareeraha Jowhar.

Ilo wareedyo dhanka caafimaadka ah ayaa sheegay in 9 carruur ah ku dhinteen tuulooyinka Maandheere iyo Bacaadleey kadib markii uu shuban biyood soo ritay.

Dhaqaatiirta magaalada Jowhar waxay sheegeen in tobaneeyo qof oo shuban qaba ay jiifaan isbitaallada.


Wabiga shabeelle oo biya yareeyay ayaa keenay in dadku ay cabaan biya wasaqaysan waxaana laga digayaa cudurro hor leh oo ka dhasha biya aan nadiifka aheyn.

Dadku ku dhaqan wabiga Jiinkiisa inta badan ma qotaan ceelal biyood waxayna noloshoodu ku tiirsantahay wabiga taasi oo keentay in marka wabiga guro ay dhibaatooyin biya la'aaneed la kulmaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items