Faah Faahin:Ciidamada Al Shabaab oo Saacada Kooban La Wareegay Magaalada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wednesday March 16, 2016 - 12:41:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Ciidamada Al Shabaab oo Saacada Kooban La Wareegay Magaalada Afmadoow ee Gobolka Jubbada Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Afmadoow ee gobolka Jubbada Hoose.

Wararka ka imaanaya Jubbooyinka ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay saqdii dhexe ka bilaawdeen gudaha degmadaasi oo ay ku suganyihiin ciidamo Kenyan iyo maleeshiyaad  soomaali dabadhilifyo ah.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamada Al Shabaab ay xoog ku galeen saldhigyada maleeshiyaadka dagaal ooge Axmed Madoobe, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo lays dhaafsanayay.


Isgaarsiinta Afmadoow oo xalay saqdii dhexe illaa iyo saaka dansaneed ayaa sababtay in aan la ogaan khasaaraha ka dhashay dagaalka, ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada balse maanta barqadii ayay isaga baxeen.

Maleeshiyaadka Axmed Madoobe ayaa ubaqa cararay dhanka saldhigyada ciidamada Kenya ee duleedka Afmadoow.

Khasaaraha dhimashada ee ka dhashay dagaalkii xalay ayaa lagu sheegay 7 askari dhimasho ah,wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Mujaahidiintu ay hub iyo rasaas ku qabsadeen dagaalkii Afmadoow.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka Axmed Madoobe oo ku saabsan dagaalkii Afmadoow ee khasaaraha badan dhaliyay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items