Dad Faransiis ah oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed oo Ka Dhacay Wadanka Kenya.

Wednesday March 16, 2016 - 12:41:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dad Faransiis ah oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed oo Ka Dhacay Wadanka Kenya.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay shil diyaaradeed oo ka dhacay waqooyiga wadanka Kenya isniintii lasoo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay shil diyaaradeed oo ka dhacay waqooyiga wadanka Kenya isniintii lasoo dhaafay.

Wararka ka imanaya Kenya ayaa sheegaya in dad reer galbeed ah ay ku dhinteen shil qabsaday diyaarad yar oo ay la socdeen dad kasoo jeeda wadanka Faransiiska.

Sarkaal u hadlay laanta socdaalka Kenya ayaa sheegay in diyaaradda oo ku guda jirtay duullimaad maxalli ah ay si lama filaan ah ugusoo dhacday deegaanka lagu magacaabo Sambooro ee loo tamashla tago waqooyiga wadanka Kenya.

Af-hayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska ayaa sheegay in meydadka laba muwaadin oo Faransiis ah lageeyay magaalada Nairobi kadibna loosii duuliyay dhanka magaalada Paris.


Booliska Faransiiska iyo Kenya ayaa sheegay in si wadajir ah ay u baarayaan waxa sababay in diyaaradu ay kusoo dhacdo waqooyiga wadankaasi.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items