Ciidamada Mujaahidiinta oo Kusii Siqaya Magaalooyin uu Gacanta Ku Hayo Maamulka Puntland iyo Dagaallo Ka Socda Gobolka Nugaal.

Wednesday March 16, 2016 - 13:41:02 in Wararka by
  • Visits: 9899
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 5 3
  • Share via Social Media

    Ciidamada Mujaahidiinta oo Kusii Siqaya Magaalooyin uu Gacanta Ku Hayo Maamulka Puntland iyo Dagaallo Ka Socda Gobolka Nugaal.

    Wararka ka imaanaya gobollada dhaca Waqooyi Bari Soomaaliya ee Puntland loo yaqaan ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay isku fidiyeen dhul ballaaran oo Nugaal iyo Bari Katirsan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo katirsan xarakada Al Shabaab
Wararka ka imaanaya gobollada dhaca Waqooyi Bari Soomaaliya ee Puntland loo yaqaan ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay isku fidiyeen dhul ballaaran oo Nugaal iyo Bari Katirsan.

Dagaallo culus ayaa lagusoo waramayaa in ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaaka maamulka Puntland ku dhaxmarayaan deegaano katirsan gobolka Nugaal.

 Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa SomaliMeMo u sheegay in dagaallo culus ay ka dhaceen deegaanka Suuj oo hoos taga degmada Dangoronyo ee gobolka Nugaal, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas lays dhaafsanayay.

Boqolaal katirsan ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa laba maalin ka hor guluf dagaaleed ka billaabay dhulka xeebaha waxayna cagta soo mariyeen degmooyin iyo deegaanno sida Garacad iyo Garmaal illaa ay kusii siqeen degmada Eyl ee gobolka Nugaal.


Ciidamada Al Shabaab ayaa doonyo dheeraya ku yimid Mudug iyo Nugaal waxayna hadda wadaan howlgallo ka dhan ah maamulka Puntland sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Dad ku sugan degmada Bandar-beylla ayaa sheegay in boqolaal katirsan ciidamada Mujaahidiinta ay deegaankooda soo gaareen iyadoona ciidamadii maamulka Puntland isku magacaabay ay dib uga gurteen Bandarbeylla.

Isbedello waaweyn ayaa durbadiiba laga dareemay gobollada waqooyi Bari Soomaaliya ee uu kajiro maamulka Itoobiya ku xiran ee Puntland oo hadda wajahaya loolan jihaadi ah midkii ugu xooganaa, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin hoggaanka xarakada Al Shabaab oo ku aaddan guluf dagaaleedka ay ciidamadoodu ka bilaabeen Nugaal,Mudug iyo Bari.

Nagala soco

Twitter @somalimemo1

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items