Daawo:Afar Qof oo Abaaro Ugu Dhintay Gobolka Awdal iyo Maamulka 'Somaliland' oo Xaalad Deg Deg ah Ku Dhawaaqay.

Wednesday March 16, 2016 - 19:49:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Afar Qof oo Abaaro Ugu Dhintay Gobolka Awdal iyo Maamulka 'Somaliland' oo Xaalad Deg Deg ah Ku Dhawaaqay.

    Xaalado liita ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan gobolka Awdal ee waqooyi galbeed soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalado liita ayaa lagasoo sheegayaa deegaanno katirsan gobolka Awdal ee waqooyi galbeed soomaaliya.

Wararka ka imaanaya deegaanka Lug-haye ayaa sheegaya in boqolaal qoys ay bilaabeen in ay isaga barakacaan dhulka miyiga ah iyo tuulooyinka kadib markii ay abaaro daran ku dhufteen.

Illaa iyo Afar ruux ayaa la xaqiijiyay in gaajo iyo harraad ay ugu dhinteen gobolka Awdal,illaa iyo 300 oo qoys ayaa daadsan dhulka miyiga ah kadib markii ay la’deen xoolihii ay dhaqanayeen sidoo kale waxaa ba’ay dalagyadii ay beerteen sababa laxariira roobabkii lafilayay oo aan da’in.


Maamulka ‘Somaliland’ ayaa xaalad degdeg ah uga dhawaaqay gobolka Awdal isagoona hay’adaha iyo dadka wax haysta ugu baaqay in ay gurmad degdeg ah laagaaraan dadka dhibaataysan.

Hoos Ka Daawo Muuqaal Muujinaya Abaaraha ka jira gobolka Awdal


Isha Muuqaalka: HWN

Related Items