8 Askari Kenyaan ah oo Lagu Dilay Weerar Hubeysan oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Kulbiyoow.

Thursday March 17, 2016 - 10:48:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    8 Askari Kenyaan ah oo Lagu Dilay Weerar Hubeysan oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Kulbiyoow.

    Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa shalay weerar dhabagal ah u dhigay kolonyo ka tirsan ciidamada shisheeyaha Kenya xilli ay ku socdaalayeen deegaan u dhow xad-beenaadka oo dhaca Kenya sida ay sheegeen Saraakiisha Mujaahidiinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa shalay weerar dhabagal ah u dhigay kolonyo ka tirsan ciidamada shisheeyaha Kenya xilli ay ku socdaalayeen deegaan u dhow xad-beenaadka oo dhaca Kenya sida ay sheegeen Saraakiisha Mujaahidiinta.



Weerarkan ayaa lagu beegsaday kolonyo ka soo ambabaxday deegaanka Kulbiyow oo ku sii jeeday gudaha Kenya, waxaana weerarka uu ku bilowday markii ay gudaha u galeen dhulka soomaalida ee Kenya gumeysato.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in in weerarka uu ahaa kamiin qorsheysan oo socday in muddo ah, islamarkaana lagu gubay hal gaari oo uu watay cadowga, sidoo kalena lagu dilay ilaa 8 askari oo ka tirsan ciidamada shisheeye Kenya.



Ma ahan midkii ugu horraysat oo weerar hubeysan lagu qaado ciidamada shisheeyaha Kenya ee duullaanka kusoo qaaday dalka soomaaliya, intabadan ciidamada Kenya ayaa dagaallo dhiigbax ah ku wajahaya duullaanka ay soomaaliya kusoo qaadeen.

Xigasho Telegramka Radio Andalus.


Related Items