Weerar Hubeysan oo ka dhacay Magaalada Brusseles Ee Wadanka Biljamka.

Thursday March 17, 2016 - 11:33:03 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Hubeysan oo ka dhacay Magaalada Brusseles Ee Wadanka Biljamka.

    Hal ruux ayaa geeriyooday, Seddax Askari oo Ciidamada Booliiska ka tirsanaana way dhaawacmeen, kadib markii howl-gal ay ka qeyb galeen Ciidamada Faransiiska uu ka dhacay magaalada Brusseles ee Caasimadda dalka Belgium.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hal ruux ayaa geeriyooday, Seddax Askari oo Ciidamada Booliiska ka tirsanaana way dhaawacmeen, kadib markii howl-gal ay ka qeyb galeen Ciidamada Faransiiska uu ka dhacay magaalada Brusseles ee Caasimadda dalka Belgium.



Saraakiisha Laamaha Ammaanka ee Dalka Belgium-ka waxay sheegeen Ciidamada Booliiska ee Dalkaas oo kaashanaya kuwa Faransiiska inay xoog ku galeen guri kuyaalla magaalada Caasimadda oo ay ku sugnaayeen dad looga shakisanyahay inay ku lug lahaayeen Weerarkii dhammaadkii Sannadkii tagay ka dhacay magaalada Paris ee Caasimadda dalka Faransiiska, kaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca boqollaal ruux.



Iska hor imaad kooban ayaa la sheegay inuu dhexmaray Ciidamada iyo raggii gurigaas ku sugnaa, waxaana rasaasta la is weydaarsaday ku dhintay hal ruux oo ka mid ahaa kooxdii hubeysneyd ee guriga ku sugneyd, halka ay dhaawacmeen dhowr Askari oo Ciidamada Booliiska ka tirsanaa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Dowladda Saliibiyada ee Faransiiska Gaalka lagu magacaabo Barnar Kaznof oo isagoo ku sugan magaalada Abidjan ee dalka Ivery Coast Warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Booliiska ee Faransiiska inay ka qeyb galeen howl-gal gaar ah oo ka dhacay magaalada Brusseles ee dalka Belgium-ka, wuxuuna tilmaamay in howl-galkaas wadajirka ah loo qaaday in lagu soo qabto rag lagu tuhunsanyahay inay ku lug lahaayeen Weerarkii Paris.

Howl-galkan waxa uu noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee si wadajir ah ay fuliyaan Ciidamada Dowladaha Saliibiyada ee Faransiiska iyo Biljimka, islamarkaana ay ku baadi goobayaan rag lala xiriirinayo Weerarkii Paris, balse Saraakiisha laamaha ammaanka ee dalalkaasi illaa iyo hadda ma sheegin in howl-galka lagu soo qabtay cid lala xiriirinayo weerarradaasi.


Related Items