Xoogaga Daalibaan ayaa la wareegay Gacan Ku Heynta degmada Khaanshiin Ee Gobolka Helmand Koonfurta dalka Afghanistan.

Thursday March 17, 2016 - 12:14:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoogaga Daalibaan ayaa la wareegay Gacan Ku Heynta degmada Khaanshiin Ee Gobolka Helmand Koonfurta dalka Afghanistan.

    Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan ayaa dagaal kula wareegay degmada lagu magacaabo Khaanshiin ee ka tirsan Gobolka Helmand ee Koonfurta dalkaasi, sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan Xukuumadda daba dhilifka ah ee Ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan ayaa dagaal kula wareegay degmada lagu magacaabo Khaanshiin ee ka tirsan Gobolka Helmand ee Koonfurta dalkaasi, sida laga soo xigtay ilo wareedyo ka tirsan Xukuumadda daba dhilifka ah ee Kaabuul.



Afhayeenka Imaarada islaamiga ah ee Afghanistan Qaari Yuusuf Axmadi oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Mujaahidiintu ay magaaladaasi la wareegeen saqdii dhexe ee habeenkii xalay, kadib iska hor imaadyo culus oo ay la galeen Maleeshiyaad daba dhilifyo oo halkaas ku sugnaa.

Ciidmada Mujaahidiinta ee qabsaday degmada Khaanshiin waxay gudaha u galeen saldhigyadii iyo xarumihii ay daganaayeen Maleeshiyaadka Xukuumadda Kaabuul, waxayna ghamiineysteen hub, saanad meliteri, iyo gawaari dagaal oo ay ka carareen Cadowga, iyagoo markii dambe dab qabadsiiyay xarumahaasi.



Gobolka Helmand oo ay ku xooggan yihiin Mujaahidiinta Daalibaan waxaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay howl-gallo ballaaran oo Mujaahidiintu ay ku furanayaan dhul hor leh oo gobolkaas ka tiran, waxaana isku sii fidinta Imaarada islaamiga ah ee gobolkaas ay baqdin gelisay Xukuumadda daba dhilifka ee Kaabuul, taas oo keentay in Dowladda Saliibiyada ah ee Mareykanka inay gobolkaas u dirto boqollaal Ciidamo dheeraad ah, si ay ay uga difaacaan Mujaahidiinta.

Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in Xarakada islaamiga ah ee Daalibaan ay maamusho Seddax meelood meel ka tiran dhulka uu ku fadhiyo dalka Afghanistan, waxayna sidoo kale tilmaameen in Daalibaan ay si buuxda gacanta ugu heyso Afar gobol oo ka tirsan dalkaasi.

Dowladaha Saliibiyada ee reer galbeedka ayaa dhowr iyo tobon sano ka hor duullaan Saliibi ah ku qaaday dalka Afghanistan, waxayna rideen Maamulkii islaamiga ahaa ee dalkaasi ka talinayay, hase yeehee waxaa muuqata in Mujaahidiintu ay dib u qabsanayaan dhulkii ay horey uga insibaaxeen, iyadoona Ciidamada Dowladaha Saliibiyada ay billaabeen inay ka baxaan dalkaasi.

Related Items