Weerar Khasaara Dhaliyay oo Muqdisho Ka Dhacay iyo weerar Lagu Qaaday Deegaanka Ceel-baraf.

Thursday March 17, 2016 - 13:04:17 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Khasaara Dhaliyay oo Muqdisho Ka Dhacay iyo weerar Lagu Qaaday Deegaanka Ceel-baraf.

    Xoogag hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ay maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka ku leeyihiin agagaarka suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ay maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka ku leeyihiin agagaarka suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in weerarka oo loo adeegsaday Bambaanooyin uu dhaliyay khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidamadii weerarka hubeysan lagu qaaday.

Weerarkan ayaa imaanaya xilli dowladda Federaalka ay sheegtay in ammaanka degmooyinka gobolka Banaadir la adkeeyay islamarkaana la yareeyay weerarada ka imaanaya dhanka xarakada Al Shabaab.

Dhinaca kale iska hor’imaadyo xooggan ayaa deegaanka Ceelbaraf ee gobolka shabeelaha dhexe ku dhaxmaray ciidamada muslimiinta iyo kuwa shisheeyaha Burundi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in weerar hubeysan lagu qaatay saldhigga ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin halka loo yaqaan carra-kaawada.

Related Items