Weerar Gaadiid Looga Gubay Ciidanka Kenya oo Markale Ka Dhacay Duleedka Kulbiyoow Ee Jubbada Hoose.

Thursday March 17, 2016 - 20:18:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Gaadiid Looga Gubay Ciidanka Kenya oo Markale Ka Dhacay Duleedka Kulbiyoow Ee Jubbada Hoose.

    Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale ka dhaceen deegaan kaabiga ku haya xadbeenaadka ay Kenya la wadaagto soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida gaadiidka Kenya oo lagubay
Wararka ka imaanaya gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale ka dhaceen deegaan kaabiga ku haya xadbeenaadka ay Kenya la wadaagto soomaaliya.

Maanta gelinkii dambe ayay ciidamada gumeysiga Kenya ku dhaceen weerar dhabagal ah oo ay u dhigeen ciidamo katirsan mujaahidiinta soomaaliya.

Jugta madaafiicda iyo qaraxyo xooggan ayaa laga maqlay duleedka deegaanka Kulbiyoow, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay la kulmeen weerar dhabagal ah oo ay u dhigeen ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.

Goob joogayaal ayaa soo sheegay in ay arkayeen uura madoow iyo qiic cirka isku shareeray kuwaasi oo ka dhashay sedax gaari oo ciidanka Kenya looga gubay weerarkii maanta.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu ciidamada Kenya kasoo gaaray weerarkii ka dhacay duleedka Kulbiyoow, shalay weerar midkaan lamid ah oo ka dhacay xadbeenaadka waxaa lagu dilay 8 askari Kenyaan ah.

Ciidanka gumeysiga Kenya ee duullaanka ku qaaday gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose ayaa weerar dhiigbixin ah kala kulmaya mujaahidiinta, bil ka hor ayay ciidamada Kenya isaga carareen degmada Badhaadhe oo qiyaastii 40 KM ujirta magaalada xadbeenaadka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items